$left
$middle

Gaadiidka dugsiga ee fasalka pre-school, dugsiga hoose iyo dugsiga hoose ee habaysan

Ardayda dhigata fasalka hordhaca dugsi-dhigashada, dugsiyada biloowga/hoose/dhexe iyo dugsiyada biloowga/hoose/dhexe ee gaarka ah, ee Dowladda hoose maamusho waxay xaq ku leeyihiin gaadiidka iskuullada.

Taasoo ku salaysan sharciga iskuullada iyo hab-maamuleedka Dowladda hoose ee Malmö ee gaadiidka iskuullada, oo u ku xusan shuruudaha xaq u yeelashada
gaadiidka iskuullada. Sida hadba ku xusan sharciga iskuullada, waxay ardayda xaq ugu yeelan karaan gaadiidka iskuullada iyadoo lagu salaynayo

  • Musaafadda goobta u iskuulka ku yaallo
  • Xaaladda traafikada ka jirto wadada ardayga u iskuulka u maro
  • Xaaladda itaaldarrada ardayga
  • Xaalad kale oo aad gaar u ah

Codsashada gaadiidka iskuullada

Sidii looga arrinsado xaq u yeelanshada gaadiidka iskuullada ee waafaqsan sharciga iskuullada, waa in gaadiidka iskuullada aad arjay u soo qorata. Kaddib markii arjaygaaga la helo, wuxuu hawlwadenaha ku dhaqaaqaya xaalad-baarista xaq u yeelanshada gaadiidka iskuullada, iyadoo lagu salaynayo warbixinada laga helay. Sidaas awgeed, waa arrin aad muhim u ah in arjiga si fiican ugu soo qeexdo sababta aad u aaminsan tahay in ubadkaaga u gaadiidka iskuullada u baahan yahay.

Haddii ubadkaaga gaadiidka iskuullada loo oggolaado

Go`aanka gaadiidka iskuullada wuxuu ansax yahay muddada qoraalka go`aanka ku qoran, waa haddii xaaladda aynan waxba iska beddelin, sida tusaale aynan dhicin iska beddelka iskuul ama u qoyska degmada ka guuro. Haddii shuruudahii gaadiidka iskuullada ubadkaaga loogu oggolaaday ay wax iska beddeleen, aalladdaas waa in maamulka Dowladda hoose Malmö la wargeliyaa.

Nidaamka guud waxaa weeyaan in gaadiidka iskuullada ahaan la adeegsado gaadiidka dadwaynaha iyadoo kaarka basaska la adeegsanayo. Xaaladdaha qaarkood waxaa dhici karto in ardayga usan adeegsan karin gaadiidka dadwaynaha, oona u baahan yahay in u isticmaalo gaadiidka iskuullada (taxiga iskuullada, basaska iskuullada ama baabuur gaar ahaan loogu talagalay). Gaadiidka iskuullada wuxuu ka dhaqaaqa goob ku xiran hoyga ardayga, ku tago iskuulka ugana soo laabto, gaadiidka iskuullada waxaa u hogaansan jadwalka iskuulka ee ardayga.

Ubadkaaga caadi ahaan xaq ugu malaha gaadiidka iskuullada haddii

  • aad ubadkaaga u doorato iskuul meel fog guriga kaga yaallo
  • aad go`aansato in dugsiga ka beddesho
  • degmada aad ka guurtaan laakin go`aansataan in iskuulkii hore u dhigto
  • ubadkaaga dhigto iskuullada ka madaxbannaan maamulka degmada ama iskuul kale oo aan ku oolin degmada Malmö.

Kontaktinformation

Malmö stads kontaktcenter

Telefon:
040-34 10 00
Telefontider:
Vardagar 08.00–17.00
Postadress:
205 80 Malmö
so